Posts

BAAQ_FURAN

  Benaadir Xisaabaadkii aan ku lahayn ma ka haysanaa...? Mudane Madaxweyne Abdi-Asiis Hassan Mohamed Lafta Gareen Benaadir Waxaa inooga maqan xisaabaad badan oo hore la inooga duudsiiyey anaga oo isheena laga arkey raadsasho la'aaan. Maanta waxaan joognaa xilli indhaheenu ay wada furan yihiin oo lana duudsin karin xaqa aan ku leenahay gobolka benaadir. waxaa ina hortaala fursad aan dib ugu sixi karno ugana raadsan karno xisaabaadkii aan ku lahayn gobolka benaadir ee hore la inooga duudsiiyey isku duubni iyo aragti fog la'aan na haysatay daraadeed. Waxaa bilaaban doona qaybinta kuraasta gobolka benaadir laga siiyey Aqalka Sare ee dalka kuraastaas oo shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Barlamaanka jamhuuriyada federaalka Somalia.  Mudane Madaxweyne Maamulka aad adiga Hogaamiso ee nagu matala goobaha siyaasada dalka lagu go'aamiyo waxaan uga fadhinaa in uu noo soo dhiciyo xisaabaadka inooga maqan Gobolka benaadir iyo kuwa hada laqaybin doono...!